Home Wararka Maanta SAWIRRO:-DR. CALI CUSMAAN: “16-ka OCTOBER TAARIKH OLIMPIGADDA AYSAN ILOOBI DOONIN”

SAWIRRO:-DR. CALI CUSMAAN: “16-ka OCTOBER TAARIKH OLIMPIGADDA AYSAN ILOOBI DOONIN”

502
0
SHARE
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Taarikhda Olimpikadda waxa loo tiriyaa in ay fikradeeda ay lahaayeen dalka Griiga
muddo hadda laga joogo illa 7 qarni,waxayna ay u isticmaali jireen arrimaha khuseeyo
diinta iyo nabad ku wada noolashaha dadyooga giriga oo ka mid ahaa dalalka uu
dagaaladda halageeyey,waxaana guusha ugu weyn oo laga gaaray ay aheyd iyado inta
ay Olimpigadda socdaan ay iskood u joogsan jireen dagaaladda,waxaana Tartamadaas
Olimpigadda ay dhaliyeen in ay dadka si nabadgelyo ah ay isu dhex maraan,waxa
kaloo yaab ahaa in aad arkeyso dad ay dagaalo ka dhaxeeyeen oo u wada sacab
tumaayo isla markaana wada taageeraayo kooxo isku mid ah,taa oo maanta taarikhda
Olimpigadda uga jirta balasheeda dahabiga ah.
Sanadkuu markuu ahaa 1896 ayaa waxa  mar kale la ifiyey shucladii Olimpigadda
casriga ah(Modern Olympics) waxa loo tiriyaa Macalin dugsi ee ku yaal dalka Fransiiska
oo ka mid ahaa kuwa u xilsaarnaa maadada baarbaarinta Jimcsiga oo la oran jiray
PIERE DE COUPERTIN oo maanta Taarikhda Olimpigadda ay xushmad weyn u
haysay,waxaana ugu horeyntii uu warqad caasuumad u diray illa 12 dawladood  oo u
badnaa dhalinyaro aqoonta Isboortiga ku dheereeyey isla markaana ay u wehlisay
aqoonta maadiga aheyd,
waxayna dastuurkii ugu horeeyey ku qoreen in Guddiga Olimpigadda Addunka ay tahay
ha’ayd ka madax banaan faragelin dawladeed,diiradana saareyso horumarinta
bani’aadamka  iyo dhawridda xuquuqda uu leeyahay,waxay xooga saareysaa
midnimadda dadweynaha addunka iyadoo lagu hogaaminaayo isxilqaam,waxaana
itijaaheeda ugu weyn uu ahaa hadana yahay in la dhiso bulsho nabdoon oo lagu
hogaaminaayo qiyamka uu isboortiga leeyahay lana abaabulo Tartanka Olimpigadda
addunka oo ah festifaalka ugu weyn oo addunka laga abaabulo 4 sanaba mar  iyadoo
ay ka xaaraan tahay midab gumeysi nooc kastoo uu lahaan karo taa oo salka ku hayso
5 garaangar oo shan midab leh.
Waxaase nasiib daro noqotay in dastuurkii Olimpigadda uu noqday mid aan sidii la
rabay loogu dhaqmo,waxaana addunka ka dhacay arrimo runtii aan boos ku laheyn sida
uu qeexaayo qawaaniinta saldhiga u ah Olimpigadda Addunka oo qaarkood ka

dhiidhinaayey dhibaatooyin lagu haye bulshooyinka ay ka soo
jeedaan…dhacdooyinkaas waxaan ka soo qaadaneynaa;.
1)Tartankii Olimpigadda ee lagu qabtay Dalkii Jarmalka oo uu markaan Madaxweyne ka
ahaa Keligii taliyahii ADOLFO HITLER oo isku dayey in ka hor istaago Ciyaaryahan  u
dhashay Dalka Mareykanka oo magaciisa la oran jiray JESE OWNES oo ka soo jeeday
qawmiyadda Madaw ,laakiin Keligii taliyahii arrinta way u hirgeli weyday.
2) Tartankii Olimpigadda ee la qabtay sanadku markuu ahaa 1972,laguna qabtay
jarmalka halkaa oo lagu laayey 11 Ciyaartoy ee u dhalatay Israaiil oo ay dileen Black
September ee Falastiin.
3) Tartankii Olimpigadda ee la qabtay 1976 laguna qabtay Magaaladda Montreal ee
dalka Kanada,halkaa oo ay qaadaceyn illa 30 dawladood oo ka socotay Qaaradda
Afrikaanka,waxayna arrinta sabab uga dhigeyn ka dib markii loo ogolaaday Dawladda
New-Zeland oo Ciyaarta RUGBY la ciyaartay South Afrika oo waagaa ku caan baxday
midab gumeysi.
4) Sanadku markuu ahaa 1980,waxa tartanka Olimpigadda lagu qabtay Dalka
Ruushka,waxaana qaadacay Dawladihii Hantigoosadka ahaa oo uu hogaaminaayo
Dawladda Mareykanka ,iyadoo Dawladda Ruushka lagu eedeeyey Duulaankii ay ku
qaaday Dalkii Afganistaan.
5) Sanadku markuu ahaa 1984,waxa Tartanka Olimpigadda lagu qabtay Los-Angeles
ee Cariga Mareykanka,waxaana qaadacay Dawladihii Hantiwadaaga ahaa iyago
jawaab uga dhigaayo qaadacaadii ay hore u qaadaceen tartankii 1980..

Waxaan qormadaan oo aan sanad kastaba ugu dabaaldegno,waxay astaan u tahay
geesinimaddi ay muujiyeen Ciyaartoyda Olimpigadda oo kala ahaa TOMMY SMITH IYO
JOHN CARLOS oo magaca Dala Mareykanka uga qeyb galaayo Tartankii Olimpigadda
ee la qabtay 1968,laguna qabtay Dalka Mexico,waxayna ku kala guuleysteen Kaalinta
Koowaad iyo Kaalinta Sedexaad,waxaana loogu yeeray in qoorta loo suro biladihii ay ku
guuleysteen,laakiin waxay gacmaha soo gashteen gacan gashi madaw(Black
Gloves),iyagoo ka dhiidhinaayo dhibaatooyinka waagaa lagu hayey qoowmiyadaha
madaw ee dalka Mareykanka,waxayna arrinta noqotay mid gasha taarikhda addunka

gaar ahaan midda Olimpikadda,waxaana sanad kastaba looga dabaal degaa dhamaan
meelaha taarikhda Olimpigada lagu xuso.
Waxaan u rajeyneynaa in uu hirgalo dhadhaqaa Olimpigadda Addunka,laguna
barbaariyo jiilalka soo koraayo oo runtii qeyb ka qaadaneysa koritaankooda
maskaxeed.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here