Home Wararka Maanta Akhriso:- Maqaal Muhiim ah oo Lamagac Baxay Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.

Akhriso:- Maqaal Muhiim ah oo Lamagac Baxay Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.

354
0
SHARE

Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.

Marka hore waxaan aad ugu faraxsanahay soona dhoweynayaa heshiiska
dib u dhiska iyo balaarinta dekadda Bosaso.
Waxaana qabaa inay tahay guul u hoyatay guud ahaan Soomaali gaar
ahaanna reer Puntland.Intaa ka dib waxaan rabaa in aan in yar ka iraahdo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay ‘Furdada magaalada Bosasod’
Ka hor intayan dhicin dowladii hore ee Somaliya, Furdadu waxay ahayd
mid ku taal halka uu Laamiga Bosaso ku dhamaado. Magaalada Bosasood
waxa iman jiray Gaadiid wada shixnado kala duwan kana soo shiraacday
wadamada Carabta iyo qaybo ka mid ah Geeska Afrika sida Djibouti iyo Kenya.Furdadu ma ayan lahayn Deked ay ku xirtaan gaadiidka shixnadahana looga rogo, waxay dhigan jireen Marsada oo ay ku sugaan maraakiibta iyo
doonyuhu intay fursad u helayaan inay soo galaan dekadda, sidaa
daraadeedna waxaa lagu qabay dhibaato saameysa dadka gaadiidka wata
kuwa badeecadaha u saaran yihiin ee soo kireystay iyo sidoo kale
shaqaalaha furdada wax ka dajiya. Waxaa dhici jirtay in gaadiidku muddo
dheer aan laga dajin badeecada, sababtoo ah waxaa dhacda in baddu kacdo
mararka qaar taas oo keenta in aan loo tagi karin waxna laga dajin karin,
tan kale gaadiidka la isticmaalo sida Laashashka iyo Saxiimadaha oo aan
ahayn kuwo leh tayo fiican oo dabooli kara baahida, waxaa intaa dheer in
inbadan ay hantiilayaashu kala kulmaan qasaaro lixaad leh taas oo ay ugu
yar tahay in ay biyaha badu ay wax yeelo u geystaan badeecada.
 
Dakadda iyo wadada isku xirta Garowe iyo Bosaso waxay ahaayeen
labada mashruuc ee ay Puntland ay ka dhaxashay dowladdii hore. Kuwaas
oo manfac fara badan u yeeshay dhamaan umadda Somaliyeed gaar ahaana
reer Puntland.
Run ahaantii halka aynu u isticmaalo dakad ahaan ee magaalada Bosaso
waxaan aaminsanahay in aanay ahayn dakad anigoo u leh aqoon badan
ahna qokii ugu horeeyey ee ku soo xira dooni xamuula ah. Sababta aan
sidaa u leeyahay waxa weeye marka hore dakadu ma aha mid tayo fiican
marka laga eego balaca dhererka iyo intay hoos u qodontahay, mana aha
meel ay soo gali karaan gaadiid tankiisu ka sareeyo saddex boqol oo tonn,
maxaa yeelay waxaa suuro gal ah gaadiidkaasi inuu gaaro dhulka.
Haddaba markaan isku soo duubno arimaas oo dhan waxaan aad iyo aad u
bogaadinayaa heshiiska wax looga qabanayo dakada Bosaso waana guul u
soo hoyatay Somali weyn gaar ahaana reer Puntland. Shacabka reer
Puntland waxaan ku boorinyaa in ay dowladooda ku garab istaagaan
horumarka dalka kuna fara adeygaan nabad gelyada iyio wada jirkooda.
Gabagabadii madaxda reer puntland waxaan u soo jeedin lahaa kulana
talin lahaa inay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, gaar
ahaan inay qorshohooda waxqabad ku darsadaan si gaar ahna xooga u
saaraan meelaha ay ka maqan yihiin kaabayaasha nolosha.
Anigoo og in xukuumada waqtiga u haray uu yaryahay haddana waxaan

rajeynayaa in ay diyaariyaan qorshihii iyo dariiqii fududeyn lahaa wax

rajeynayaa in ay diyaariyaan qorshihii iyo dariiqii fududeyn lahaa wax qabadka deegaanada uu wali gaarin Hurumarka.
WABILLAAHI TOWFIIQ
Abdulqadir Mohamed Yusuf
s_arcade@hotmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here