War goordhoweeyd nasoo gaaray ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay in R/Wsaaaraha uu aqbalay is casilaada Wasiirka.
Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa is casilaadiisa lagu macneeyay arimo khaas u ah. waxaana is casilaadan ay timid kadib markii uu soo dhamaday shirka golaha Wasiirada ee xukuumada.