Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Fariin ku socota Gudoomiye Maxamed Cantoobo !!

SAWIRRO:-Fariin ku socota Gudoomiye Maxamed Cantoobo !!

405
0
SHARE

Anigoo Saaran Mooto Bajaaj ayaa Haweeney ii gacan haatisey markaan dhinaceeda u dhaqaaqey ayaa markaan ku dhawahay ayaa bar gartey waxayna I tiri “Gudoomiyaha Degmada Hodan iga gaarsii Fariintaan” markaas baan ku iri oo maxaa kaa gaarsiiyaa , waxay tiri “Gadaashaada Fiiri waxa Qashin yaala” waxay tilmaameysey qashin yaala Halkii ay ku taaley Warshadii hore Caanaha inta dhugtey ayaa iri “Adinka maxaa isaga qaadi weyseen

Inta i fiirisey ayey tiri “ Qashinkaas anaga ma qaadi karo waayo waa Qashin ay dowladi qaadi karto, waxay tilmaameysaa in aysan awoodin in ay qaadaan , waxay sii raacisey “ Jawaanada waaweyn ee aad arkysid waxaa ku jiro Xoolo bakhtiyey oo aan u adkeysan weyney urkooda ,

Markiiba waxaan ku dhaqaaqey in aan sawiro ka qaado ,Intii aan Sawiirada qaadayey aniga iyo yarkii Bajaajka waxaan u adkeysan weyney Qurunka meesha ka soo baxayey ,waxaan ku sigtey in Quraacdii Saakey ay iga timaado markaasuu yarkii i yri “ Waxaan ka Cabsi qabaa in dadka halkaan degen ay Cuduro ka qaadaan Qashinkaan “ waxaa uu intaas ku darey “Waxaan la yaabey “ Sida halkaan qashinkaan loo keeney fiiri dhinacaas waxaa ka degen Ciidamo , Gadaalna Ciidan baa ka degen.

Markii aan Mootadii Fuuley oo aan sii socdo ayuu hadana yarkii Bajaaj-ka wadey I yiri “ Gudoomiyaha Degmada Hodan miyaanu Kormeer ku sameynin Degmadiisa marka intaas oo jawaano inta lagu soo guro Xoolo bakhitiyey halkaas la soo dhigo” markaas baan iri “Gudoomiye Cantoobo Shaqadiisa aad bay u fiicneydee ma garanayo sida ay wax ka noqdeen Doorkaan.

W/D Amiin Yusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here