Home Wararka Maanta SAWIRRO:- Booliska Magaalada Zurich ee Switzerland oo Gacanta ku dhigay Maandooriyaha Khaadka!

SAWIRRO:- Booliska Magaalada Zurich ee Switzerland oo Gacanta ku dhigay Maandooriyaha Khaadka!

1098
0
SHARE

Ciidanka Booliska Magaalada Zurich ee Dalka Switzerland ayaa gacanta ku dhigay Labo Nin oo safrinayay maandooriyaha khaadka loo yaqaan.

Raga gacanta lagu dhigay waa 35 jir Switzerland u dhashay iyo 38 jir Mareykanka ka soo jeedo oo lagu eedeeyay in ay safrinayeen khaadka.

Khaadka ay Ciidanku qabteen ayaa la sheegay in uu gaarayay 35 Kiilo.

Booliska ayaa sheegay in ragaan la qabtay in ay khaadja ka soo qaadeen Magaalada Nairobi iyagoo hore u soo maray Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ninka 35 jir ah ee u dhashay Dalka Switzeland ayaa la sheegay in boorsadiisa uu ku soo qariyay 35 Kilogram oo Khaad ah  halka ninka Mareynka ah u dhashay  uu isna Boorsadiisa ku soo qaaday  65 Kilogramm.

Khaadka ayaa waxa uu ka mid yahay Maandooriyayaasha mamnuuca ka ah Qaaradan Yurub, waxaana inta badan laga cunaa dalalka Kenya, Somalia, Ithoopiya iyo Yemen.

Waa markii labaad ee sanadkan 2017 ay Booliska qabtaa maandooriyaha khaadka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here