Home Wararka Maanta Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maalinkii 2aad Galay

Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maalinkii 2aad Galay

384
0
SHARE

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo xalay ka furmay Guriga Martida ee Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shirkan furay, waxaana goob joog ka ah Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kan koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.

Dhammaan Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa xalay shirkan wajigiisa koowaad ka jeediyay khudbado, ay uga hadlayaan xalada siyaasadeed ee dalka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here