Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo lagu soo dhaweeyay madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeele Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlad goboleedka Jubaland ayaa ku soo dhoweeyay Garoonka Magaalada Kismaayo.
Labada Masuul ayaa loo galbiyay aqalka martida magaalada Kismaayo oo ah halka madaxda maamul goboleedyada loo qorsheeyay inay dagaan.
Waxaa hore Magaalada ugu sii sugnaa Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale hada la sugayaa in Kismaayo uu soo gaadho madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Shirka wada tashiga madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah in uu ka furmo aqalka martida ee magaalada Kismaayo.