Home Wararka Maanta BREAKING NEWS:-Faah Faahin Shabaab Oo Goor dhow la wareegtay Kontaroolka Weyn ee...

BREAKING NEWS:-Faah Faahin Shabaab Oo Goor dhow la wareegtay Kontaroolka Weyn ee Boosaaso!!

755
0
SHARE

Ciidan loo maleynayo in ay yihiin kuwa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay goor dhow ay la wareegeen Kontaroolka weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Wariye ku sugan Boosaaso oo goor dhow la hadlay Shabakadda Umada News ayaa sheegay in Ciidanka Shabaabka ay si rasmi ah ula wareegeen Kontoroolka Boosaaso kadib markii ay ku soo qaadeen weerar gaadmo ah.

Inkastoo ay tahay xili haween ah lama si rasmi ah looma sheegi karo qasaaraha uu geystay weerarkan balse Diryanka Madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta oo ay is weydaarsanayaan Labada dhinac  ayaa si xoog ah loogu maqlayaa halka ay uu ka socdo dagaalka u dhaxeeyo Ciidanka Dowladda iyo Kuwa shabaabka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Amaanka Boosaaso oo la hadlay Umada News ayaa sheegay tirada Raga weerar soo qaaday in ay gaarayeen 50 qof.

Wararka ayaa sheegayo in Ciidamo tiro badan oo gurmad ah kuwaa oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman in ay goor dhow ka baxeen Magaalada Boosaaso.

Waxaana ka sheegay in Ciidankaasi uu haatan gaaray halka uu ka socdo Iska horimaadka u dhaxeeyo Ciidanka Puntland iyo Shabaabka.

Wixii faah faahin ah waan idiin soo gudbineynaa haduu alle idmo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here