Home Wararka Maanta Dood Ka Dhalay Swedan oo Sharciga u diiday Haweeney 106 sano jir...

Dood Ka Dhalay Swedan oo Sharciga u diiday Haweeney 106 sano jir ah!!

455
0
SHARE

Maxkamadda laanta socdaalka ee ku taala magaaladda Göteborg ayaa laashay go’aan ay horey u gaartay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka Swedan taas oo sheegayay in laga musaafuriyo haweeney 106 jir ah u dhalatay wadanka Afgaanistaan islamarkaasina loo diiday ineey dalkaan ka hesho deganaan.

Haweeyneydan oo lahu magacaabo Bibihal Uzbeki oo markii sharciga loo diiday racfaan qaadatay ayaa u dacwooday maxkamadda socdaalka, waxaana maxkamadu aqbashay codsiga haweeneydaasi kuna hakisay go’aankii musaafurinta ah ee la siiyey.

Maxkamadda Socdaalka ayaa sheegtay in ay naxdin argagax aragto falka diidmada ah ee haweeyneydaasi la siiyey islamarkaasina ay tahay qof da’a ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in markii ay eegtay xaaladda caafimaad ee haweeneydaasi iyo xaaladaha  amaanka ah ee ka jira Afgaanistaan laa shaashay go’aankii diidama ahaa.

Bibihal Uzbeki n ayaa Swedan timid Bishii Oktoober ee sanadkii 2015-ka balse waxa ay mudadaasi heystay heesata sharciga ku meel gaarka ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here