Home Wararka Maanta WAREYSI:-Dr. Mohamed Salad Ali (Qoryoley) oo Qiyaano Qaran Ku Tilmaamay Heshiiskii Xukuumadda...

WAREYSI:-Dr. Mohamed Salad Ali (Qoryoley) oo Qiyaano Qaran Ku Tilmaamay Heshiiskii Xukuumadda Gaas iyo DP World

786
0
SHARE

Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas ayaa heshiis la sheegay in lagu balaarinayo Dekadda Magaalada Boosaaso waxa ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka oo lagu Magacaabo DP World.

Heshiiskaasi ayaa waxa la hor geeyay oo ansixiyay Golaha Wakiilada Puntland .

Balse Heshiiskaasi dhex maray Shirkadda DP World iyo Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas, waxaa ka dhiidhiyay oo ka soo horjeestay inta badan Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Isimadda iyo Shacabka Puntland.

Dadka sida aadka ah ugu soo horjeestay oo heshiiskaasi  ku tilmaamay mid xaaraan ah waxaa ka mid ah Dr Mohamed Salad Ali (Qoryoiey) oo ah M.D. President and CEO of Bay Valley Internal Medicine LLC. Kana mid ah indheergaragka ka soo jeeda Puntland .

Dr. Mohamed Salad ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay mid aan loo dul qaadin karin isla markaana dhibaato weyn ku ah shacabka reer Puntland.

Aqoonyahan Dr. Mohamed Salad Ali Qoroley. ayaa golaha Baarlamaanka Puntland ugu baaqay in ay alle ka cabsadan oo ay dib u eegis ku sameeyaan heshiiskaasi.

Halkan Ka dhageyso Wareysiga aan la yeelanay Dr. Mohamed Salad Ali (Qoryooley) oo you tube ah

Halkan ka dhageyso Wareysiga aan ka yeelanay Dr. Mohamed Salad Ali (Qoryoley) oo Mp3 ah

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafeedka uu so saaray Dr. Mohamed Salad Ali

Aniga oo ah Dr Mohamed Salad Ali (Qoryoley) M.D. President and CEO of Bay Valley Internal Medicine LLC. Kana mid ah indheergaragka ka soo jeeda Puntland :

1.    Waxaan si weyn u taageereynaa kacaanka shacabka reer Puntland oo isugu jira Isimo, Cuqaal iyo Indheer garad, oo u soo kacay ka hortaga iibsiga ishooda dhaqaale ee dekada Bosaaso.

2.    Waxaa Ayaan daro weyn ah, oo ah si aad looga xumaado , in madaxweynahooda yiraahdo  Halyeeyadaas u soo kacay badbaada dhulkooda  waa mooryaan, wax ay yihiina aysan jirin.

Mooriyaan maantey waa caada Somalida ugu xun, oo waxaan ka codsaneena Madaxweynaha Puntland in uu raali galin ka siiyo Halyoowgaas u soo gacey badbaadinta dhulkooga magacaas u ugu yerey.

3.    Halyeyada Puntland si fiican Ayaan idiin maqalney in aad rabtaan horumar, diyaarna aad u tihiin maalgashiga dunida si loo hormariyo dhulkeena iyo dadkeenaba ey jirto horumar/ maalgelin  xalaal ah noga yimaada Dowlada Imaaraadka, iyo Dubai port.

4.    Waxaa Ayaan darro noqotay sida dowladeena heeshiiskaas dubai port u soo gashay, ku bixisayna laaluush si barlamaanka u fuliyo.

5.    Akhrinta heeshiiska dowlada Puntland la soo gashay Dubai Port, aana ku borinayo in uu akhriyo  muwaadin kasta oo Puntland u dhashy, Saxaadaha dhan in ey soo qoraan, waxaa nooga cadaatay Hishhiskaas in uu yahay mid dad calooshood u shaqeystayaal ah oo wax dan ah u haynin shacabkooda iyo dalkooda wax keliya ay u daneynayaa waa naftooda iyo jeebkooda.

6.    Waxaa manta cad in parlamaanka Puntland oo aheed inay shacabka masalaan ey qaateen Laluush Lacageed, si ay u ansaxiyaan heeshiiska xaaraanta ah.

7.    Hadaan nahay shacabka Puntland meelkasta ha joogee waxaan ka codsaneynaa parlamaanka Puntaland inay ILAAHAY U SOO NOQODAAN ey badbaadiyaan dalkooda iyo dadkooga, ka noqdaan anshida Hishiiska Xaraanta ah oo Shacbiga ka soo horjeestey.

8.    Waxaan ku soo gabagaweeneyaa baaq aan u direeno Dowlada Imiraadka iyo Dubai Port in Puntland  u baahan tahay maalgelin, horumar, ayana diyaar u tahay heeshiis maal gelin iyo horumar xalaah ah.  Waxaan idinla socodsiinaynaa in heeshiiska hadda jira Parlamaanka Puntland lagu laa luushay si ay u fuliyaan heeshiiska, dowlada Puntland oo heeshiiska soo gashayna ay kalsooni ka haysan shacabka Puntland manta la isku hortaagan yahay dekadda Bosaaso oo laga yaabo Ilaahay ma keenee dagaal ka curto.

WaBilaahi Towfeeq

Dr. Mohamed Salad Ali

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here