Home Wararka Maanta WAR DEG DEG:-Xildhibaanada Gal-mudug oo xilkii ka qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha...

WAR DEG DEG:-Xildhibaanada Gal-mudug oo xilkii ka qaaday Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Wakiilada Gal-Mudug!

540
0
SHARE

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Maamulka Galmudug ayaa codka kalsoonida kala laabtay Gudoonka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

Kulanka Baarlamaanka uu shir guddoominayay Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayaa waxaa soo xaadiray 59 Mudane oo ka mid ah Xildhibaanada  Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xareed Cali Xareed ayaa sheegay  in 52 Xildhibaan ay u codeeyeen xil ka qaadista Guddoonka Baarlamaanka halka 57 Xildhibaanna ay codka kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

 

Dhinaca kale, Ku Xigeenka Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayaa sharci ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay labada mas’uul.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here