Home Wararka Maanta Madxweynaha Ku Xigeenka Jubaland Oo Sheegay In Ey Diyaariyeen Gudi Ka Shqeeya...

Madxweynaha Ku Xigeenka Jubaland Oo Sheegay In Ey Diyaariyeen Gudi Ka Shqeeya Shirka Maamulada Dalka

417
0
SHARE

Kismaayo-Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha Golaha Xukuumaddda ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen.

Axmed Madoobe ayaa golaha Warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Gobolka ay ka jirto isku tashi Bulshada iyo Dowlada dhexdooda ah taas oo soo dadajin doonta in Al-Shabaab la wiiqo awooda ay halkaas ku leeyahiin wuxuu xusay in Ciidamada iyo Shacabku ay isku tiirsan yihiin oo ay si wadajir ah nabagalyada uga shaqaynayaan.

Waxaa kaloo Madaxweynuhu sheegay in xaaladihii abaarta uu gobolku kasoo kabanayo isla markana ay Noloshu soo hagaagayso.

Ciidamada ayuu Madaxweynahu sheegay in la tayayn doono isla markana ay dardar galinayaan sidii Degmooyinka gobolka la isugu furi lahaa deeganada wali Al-Shabaab ay Jubbaland ka joogana looga xorayn lahaa.

Sidoo kale, Axmed Madoobe, ayaa Golaha uga Warbixiyay halka ay marayso xaalada Siyaasada dalka isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xaalada dalka lagu dajinayo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here