Home Wararka Maanta Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo Ku Soo Wajahan Degaanada Puntland

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo Ku Soo Wajahan Degaanada Puntland

249
0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado degaanada puntland sida Ey sheegayaan ilo xogogaal ah.

Ra’iisal Wasaaraha Iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay ka degaan magaalada Boosaaso oo uu xiligan ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynaya in uu booqdo magaalada Boosaaso kadibna uu ku maro safar dhulka ah Boosaaso ilaa Gaalkacyo ,waxaana kasoo dhexgalay safarka Boqortooyada Sucuudiga,waxaana dib loogu dhigay safarkiisa bisha Oktoobar.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Farmaajo ka baaqdo safarka Puntland oo aanu tegin tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Illaa hadda Xafiiska Ra’iisal Wasaare Kheyre kama uusan hadlin booqashada uu ku tagayo magaalada Boosaaso.

Xubno kamid ah Madaxtooyada Puntland oo aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in uu jiro qorshe ay ku imaanayaan wefdi ka socda dowladda Federaalka balse aysan ka hordhacayn.

Booqashada la sheegayo ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ku imaanayo ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda Federaalka uu saaran yahay culeysyo siyaasadeed oo gudaha ah.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hadda ku maqan dalka dibadiisa,wuxuuna ka qeybgalay shirkii Qaramada Midoobay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here