Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Oo U Ambabaxay Magaalada Qaahira

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Oo U Ambabaxay Magaalada Qaahira

135
0
SHARE

Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Khamiis ah ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Guddoomiye (Jawaari) ayaa Garoonka Aadan Cadde waxaa ku sii sagootiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale, waxaana horay u sii raacay xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka.

Xubno ka tirsan xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay ujeedka safarkan in uu yahay mataaneynta Golayaasha Shacabka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka dalka Masar.

Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay marka uu tago dalka Masar Guddoomiye (Jawaari) in Kulamo kala duwan uu la soo qaadan doono Madaxda dalka Masar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here