Home Wararka Maanta Xildhibaano Ka Socda Barlamaanka Soomaaliya Oo Ku Wajahan Cadaado.

Xildhibaano Ka Socda Barlamaanka Soomaaliya Oo Ku Wajahan Cadaado.

307
0
SHARE

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay tagaan xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo degaan ahaan ka soo jeeda Galmudug.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta Cadaado ay imaanayaan xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ujeedkooda lagu sheegay qaboojinta xiisada ka taagan Cadaado.

Xiisada Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa kor u sii kacday kadib markii xildhibaano sameystay shir guddoon KMG ah oo shalay gelinkii dambe ku kulmay Hotel magaaladaasi ku yaalla ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here