Home Wararka Maanta Xaaf oo Ka Hadlay inuu xabsi Guri Geliyey Madaxda Galmudug iyo Xilka...

Xaaf oo Ka Hadlay inuu xabsi Guri Geliyey Madaxda Galmudug iyo Xilka Qaadista Lagu Sameeyay

167
0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa wareysi Bixiyey ayaa sheegay inuusan Dastuurka Galmudug qabin in madaxweynaha Mooshin laga keeno lix bil ka hor.

Wuxuu isku difaacay in Dastuurka Galmudug uu qeexayo inaanan wax mooshin ah lix bilood gudahood looga keeni karin Madaxweynaha la doortay.

“Mid kalena waan idin sheegaya dastuurku wuxuu qoraya qofka la doorto lix bilood gudahood maba laga keeni karo mooshin.” Ayuu yidhi.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd in Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa ay ku xiran yihiin Madaxtooyada Cadaado oo aysan ka bixi karin,isagana uu amray ayuu ku jawaabay;

“Wax ka jira lama arko, ciidamada nabadsugida ayaa amarkaas bixisay iyagoo kula taliyay inaysan magaalada u bixin maadaama ay xasarad jirto.” Ayuu yidhi Xaaf.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here