Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa beeniyay in baarlamaanka Galmudug uu xilka ka qaaday.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dastuuriyan aysan hadda xildhibaanadu isaga xilka ka qaadi karin, maadaaama sida uu sheegay uu xilka hayo afar bilood oo kaliya, dastuurkuna uu qabo ilaa lix bilood ka hor in aan xil ka qaadis lagu sameyn karin.
Hadalkiisa Xaaf ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ay shegeen in ay xilka ka qaadeen madaxweynaha oo ay ku eedeeyeen inuu hor istaagay hawlihii baarlamaanka.