Home Wararka Maanta Safaarada Shiinaha Ee Somalia oo 36’000 Dollar Uga Deeqday Dugsiga Agoonta Ee...

Safaarada Shiinaha Ee Somalia oo 36’000 Dollar Uga Deeqday Dugsiga Agoonta Ee Boondheere

344
0
SHARE

Safaarada Shiinaha ee Somaliya ayaa maanta oo Sabti ah uga deeqday agab waxbarasho, mid jiif iyo cunta asaasi ah oo qiimahooda ku fadhida lacag ka badan 36’000 oo dolar Mareykanka ah.

Maamulaha dugsiga Agoonta gabdhaha ee Boondhere, Nurta Maxamed Caddow ayaa uga mahad celisay dawladda Shiinaha, si gaar ah, safiirka u fadhiya Somaliya kaalmada muhiimka ah ee uu uga deeqay agoonta taasi oo ay sheegtay in wax weyn ka bedeli doonta aqoonta iyo nolosha gabdhahaasi.

“ Deeqda safaarada Shiinaha ina soo gaarsiisay waxa ay isugu jirta qalab xafiiseed dhamaystiran, computero, Miisas, Kuraas, farinjeero, camero, Sariiro iyo gogashooda oo dhameystiran,mashiinada biyaha iyo kan coppy-ga, iyo kan daabacaada, cunta asaasi ah iyo gaadiid”, Nuurta ayaa sidaa tiri.

Gudoomiyaha degmada Boondhere, Saynab Yuusuf  Wehliye ayaa aad u bogaadisay doorka safaarada Shiinaha ee caawinta gabdhaha agoonta ee Boondhari, iyadoo xustay in Shinaha iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir saaxibtinimo oo aad u fog.

“ Aad buu u mahadsan yahay safiirka Shiinaha ee Somaliya, Shinaha wuxuu noo dhisay Tiyaatarka Qaranka, Cusbitaal Benaadir, Stadium Muqdisho iyo wadooyin, mashaariicdii uu ka fuliyey Soomaaliyana aad bay u tayo badan yihiin”, Sidaa waxaa tiri, Saynab.

Safiirka Shiinaha ee Somaliya, Qin Jian ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ayna xoojinayaan xiriirka saaxiibtinimo iyo midka iskaashi ee laba dawladood.

“ Markii aan imid bishii Marso ee sannadkan, shakhsiyan waxaan dareemay oo aan arkay cirka oo buluug ah, biyaha oo cagaar ah ama doog ah, dadka oo hayo shaqo adag oo dib u dhiska dalkooda ah”, safiirka ayaa sidaa yiri.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here