Home Wararka Maanta Hub si Qarsoodi Ah Lagu Soo Galinayay Puntland oo Lagu Qabtay Dekadda...

Hub si Qarsoodi Ah Lagu Soo Galinayay Puntland oo Lagu Qabtay Dekadda Boosaaso

646
0
SHARE

Ciidamada ilaalada Dekeda magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa xalay gacanta ku dhigay dooni ay ku rarnaayeen hub sharci daro ah oo la doonayay in lasoo galiyo Deegaanada maamulka Puntland.

Hubkan lagu qabtay dekadda magaalada Boosaaso ayaa ka koobnaa nuucyo kala duwan , waxaana hubkan la qabtay ku jiray Qoryaha waa weyne ee dhishiikaha loo yaqaan, Qoryaha BKM , qoryo AK-47 ,biskoolado iyo sanaadiiq ay ku jireen rasaas nuucyo kala dywan leh.

Doonta iyo hubka la qabtay ayaa la sheegay in ay lahaayeen ganacsato u dhalatay Puntiland kuwaa oo doonayay in hubkaasi qaab ganacsi ku geliyaan deegaanada Puntland iyo waliba gobolada Dhaxe ee dalka.

Maamulka Puntland ayaan wali wax faah faahin ah ka bixin hubka iyo doonta lagu qabtay magaalada Boosaaso halka loo waday iyo waliba cida loo waday, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Puntland ay war kasoo saarto hubkaasi la qabtay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here