banaanbaxyaal tiro badan ayaa maanta isugu soo baxay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug.
Banaan-baxayaasha ayaa taageero u muujinayay go’aankii madaxweynaha Galmudug Axmed Dacaale Geelle oo wajahayo khilaaf ka dhashay go’aankii uu ka qaatay xiisada wadamada Khaliijka.
Madaxweynaha Gal-mudug Xaaf ayaa maalin ka hor qoraal uu soo saaray waxa uu ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga ee go doomiyay wadanka Qadar.
Banaan-baxayasha ayaa wato borar lagu soo qoray hal ku dhigyo lagu taageerayo Madaxweynaha Galmudug loogana soo hor jeedo go’aankii ay qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeynka Galmudug.
.