Home Ciyaaraha Diego Costa oo Bisha Janaayo Dib ugu laabanayo Kooxdiisa Hore ee Atletico...

Diego Costa oo Bisha Janaayo Dib ugu laabanayo Kooxdiisa Hore ee Atletico Madrid

692
0
SHARE

Naadiga Chelsea ayaa ogolaatay inay kooxda Atletico Madrid ee Dalka Spain ay ka iibiso weeraryahanka Diego Costa.

Ciyaaryahan Diego Costa oo 28 jir ah  ayaa horay ugu ciyaari tirsanaa kooxda Atletica Madrid.

Weeraryahanka reer Spain Ayaan xili ciyaareedkan u ciyaarin kooxda Chelsea.

Inkastoo heshiisku dhacay hadana kaliya waxuu kooxda Atletico u dheeli doonaa bisha January oo ah xilliga uu furmayo Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Labadan koox ee hadda kala iibsaday ciyaaryahankan ayaa wada ciyaaraha arbacada soo socota ciyaar ka mid ah horyaalka Yurub.

Diego Costa oo reer Brazil ah ayaa horay ay Chelsea ugu soo iibsatay lacag gaaraysa 32 oo gini.

Intuu uu ku sugnaa kooxda  Chelsea waxa u dhaliyay 58 gool. Waxuuna u saftay 120 kullan ciyaareed.

Weeraryahankan asal ahaan ka soo jeeda Brazil ayaa mamaulka kooxdiisu ay carqalad soo kala dhexgashay ka dib markii dhowr ciyaarood la safi waayay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here