Home Wararka Maanta Sawirro:-Dallada iftin-Group oo Deeq Waxbarasho Ugu Dirtay Ardeey Dalka Sudan

Sawirro:-Dallada iftin-Group oo Deeq Waxbarasho Ugu Dirtay Ardeey Dalka Sudan

195
0
SHARE

Dalladda Waxbarashada Iftin Group oo ay mideysan yihiin Aqoonyahano iyo qaar ka mid ah Iskuulada gaarka loo leeyahay sida dugsiga hoose/dhexe/sarre ee Daawad oo ku yaala magaalada Garowe,Iskuulka hoose/dhexe/sarre Raascaseyr oo ku yaala magaalada Bosaso iyo Dugsiga Yameyska oo ku yaala magaalada Gaalkacyo ayaa xaflad loogu dirayo deeq waxbarasho Dalka Sudan ugu qabatay magaalada Garowe 8 ardey ee u sareysay Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedkii 2016 iyo 2017-ka.

Prof Axmed Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha Dallada Iftin Group oo isagu dalka Sudan uga soo helay deeq waxbarasho 8 Ardey oo ka aflaxay iskuulada hoostaga Dalladda ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay kordhinta dadaalka fursad waxbarasho ay ugu raadinayaan Ardeyda dhigata Iskuulada Daawad,Raascayr iyo Yameyska.

Wuxuu kula dardaarmay waalidiinta inay ku xirnaadaan Iskuulada hoostaga Dalladda Iftin Group, wuxuuna sheegay in si deg deg ah loogu dirayo 8 Ardey oo ah 4 wiil iyo 4 gabdhood ,wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa,iideystaan fursadaan oo ku timid ka dib dadaal dheer oo lagu bixiyay.

Prof Axmed Cali Axmed wuxuu sheegay inuu yahay Hadafka loo asaasay dalladda waxbarashada ee Iftin Group sidii waxbarasho tayo leh Ardeyda dhigata Iskuulada hoostaga loogu raadin lahaa,wuxuuna gacanta ka saarey Ducumintiyadii ay ku bixi lahaayeen Ardeyda deeqda waxbarasho ka heshay Dowlada Sudan.

xigasho puntlandpost.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here