Home Wararka Maanta Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo Hawlgal Culus Ka Wada Degmooyin Kamid Ah Muqdisho

Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo Hawlgal Culus Ka Wada Degmooyin Kamid Ah Muqdisho

546
0
SHARE

Ciidamada Xaslinta magaalada Muqdisho ayaa xalay Howlgalo xoog leh ka sameeyay Xaafado ka mid ah degmada Shibis ee gobalka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay dhalinyaro badan oo degmadaasi ku noolaa.

Ciidanka ayaa baaritaankooda ka sameeyay Xaafadaha waxaana la baarayay Gaadiidka iyo Guryaha sidoo kala Ciidanka ayaa baarayay dhalinyarada Xaafadahaasi ku sugan.

Howlgalkii ay sameeyeen Ciidanka oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxaa lagu qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo intooda badan la sii daayay baaritaan ay ciidanka ku sameeyeen kadib halka qaar ka mid ahna ay Ciidanka xarumahooda ay u wateen.

Maamulka degmada Shibis oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan Baaritaanadii xalay laga sameeyay degmadaasi, sidoo kale Laamaha amaanka ayaa ka hadlin Baaritaankooda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here