Home Wararka Maanta Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Gaarey Magaalada New-York.

Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Oo Gaarey Magaalada New-York.

289
0
SHARE

Wafti uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo hordhac u ha waftiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa gaarey magaalada New York ee xarunta Q.M.

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka baxo magaalada Muqdisho kana qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sanadkiiba mar la qabto.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar  gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo Shirkaan ka qeyb galaya.

Dhinaca Kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa New York kaga qeyb galay Shir kale oo soo qaban qaabisay Dowladda Maraykanka kaas oo sanadkiiba mar dhax-mara Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Muslimka ah waxaana looga hadlaa sida Maraykanka iyo Muslimiinta isaga kaa shaan lahaayeen amniga.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here