Home Wararka Maanta Dad Shacab Barakacaal Ah Oo Lagu Laayay Rabshado Ka Dhacay Dalkaasi Congo

Dad Shacab Barakacaal Ah Oo Lagu Laayay Rabshado Ka Dhacay Dalkaasi Congo

123
0
SHARE

Kinshasa:-Dad lagu qiyaasa ilaa 37 qof oo qoxooti ah ayaa lagu dilay 117 kalena waa lagu dhaawacay Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo,xili ay dadkasi sameynayeen banana baxyo ay kaga soo hor jeedeen in dalkaasi Congo laga musaafuriyay ilaa 4 qof oo kamid ah qoxootiga kayimid dalka Burundi.

War ka so baxay Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO ayaa lagu  sheegay in dadkaasi ay dilkoodi ka dambeeyeen Ciddamada Amaanka ee dawladu,baaqna ka soo saaray rabshadahaasi oo sidoo kale uu ku dhintay askari katirsan ciidamada ammaanka.

Florence Marchal waa ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobeay ee dalka Kongo, iyada oo ku sugan magalada Kinshasa ayaa waxay ugu baaqday ciddamada Ammaanka in ay xaalada xakameyaan.

Jimmy Nemeyimana waa qaxooti ku nool xero ku taala magaalada Kamanyola oo ah halka colaadu ay ka dhacday. Waxaa u sheegay in sarkal maxali ah u halkaasi booqday maalmo yar uun ka hor, waxaa uuna sheegay in xukkumadu ay ka war hayso waxaa halkaasi ka socday.

Boqolaal kun oo qaxooti reer Burundi ayaa dalkooda isaga qaxay kadib markii colaad ay dalkaasi ka bilaabatay kadib go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay in xafiiska uu mar saddexaad u tartamo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here