Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland & wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Boosaaso

Madaxweynaha Puntland & wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Boosaaso

166
0
SHARE

Madaxxweyna Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Deegaanada Puntlad  kadib gudashada Rukniga diiniga ah ee Xajka.

Wafdigaasi oo kaso dagay Garoonka magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa waxaa kusoo dhoweeyey , masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidamada ,kuwa  Madaxtooyada, aqoon yahano iyo xubno kale.

Madaxweynaah Maamulka Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, wuxuuna caddeeyay  in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in socdaalka dalka Imaaraadka ay la xiriirtay arrimo ku saabsan  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay u baahan yihiin Maamulka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta Maamulka inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here