Wasiir Dowlihii Xiriirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdirixmaan (Gurxan) ayaa goor dhow xilka laga qaaday.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ahne Ku simaga Madaxweynaha Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa lagu sheegay in Wasiir Gurxan si rasmi ah xilka looga xayuubiyay.
Xilka qaadista Wasiirka ka soo jeedo Degmada Saaxo ee Maamulka Puntland ayaa timid markii uu shalay sheegay in Puntland ay taageersantahay talaabadii ay Dowladda Soomaaliya ay Dowladda Ithoobiya ugu gacan galisay Cabdikariim Qalbi-Dhagax oo ka tirsanaa Jabhada Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF loo soo gaabiyo.
Rag ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa Warbaahinta Umada News u xaqiijiyay in Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Eng. Cabdixakiim Camey uu ka carooday hadalkii uu Wasiirka Warbaahinta ka sheegay.