Home Wararka Maanta Arady Somaliyeed Oo Deeqda Waxbarasho Ka Heshay Shiinaha Oo Gaarey Caasimadda Beijing

Arady Somaliyeed Oo Deeqda Waxbarasho Ka Heshay Shiinaha Oo Gaarey Caasimadda Beijing

232
0
SHARE

Ardaydani oo qeyb ka ah ilaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka heley Dolwadda Shiinaha ayaa garey magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey ardaydaasi qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan max’ed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay shiinaha ayaa waxa uu  sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi ee  deeqda waxbarasho ka heley dalkaasi China.

“Waxaa na soo garey qaar kamid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho heley, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayaya si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa lasugayaa kuwa kale”, Ayuu yiriDR C/raxmaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here