Home Wararka Maanta ​Faarax Cali Shire Oo ka hadlay Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Puntland

​Faarax Cali Shire Oo ka hadlay Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Puntland [Daawo]

182
0
SHARE

Wasiirkii hore Wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire ayaa si faah faahsan uga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan marxaladaha ay wajahday xukuumadda hadda jirta iyo waxqabadkii xukuumaddii uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Farole.

Faarax Cali Shire oo haatan ku sugan waddanka England ayaa sidoo kale si waafi ah uga hadlay Jaahwarerka lacagta Shiling Soomaliga, Amniga, Siyaasadda gudaha iyo dibadda.

Isagoo ku hormaray wax qabadkii xukuumaddii uu katirsanaa, wuxuu yiri, “Dowladdii Cabdiraxmaan Farole Team ayay ku dhisnayd mana jiri dhaqaale badan oo waddanka yaallay, laakiin, wax badan ayaan wax ka qabanay, Amniga, dhaqaalaha, Dib u dhiska, dib u heshiisiintan ayaan wax ka qabanay, dagaallo badan ayaan la galnay nimankaas nabad diidka ah, waxaan galnay oo aan wax ka qabanay raadintii dowlad Somaaliyeed, oo waxaan qabanay shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2, oo waxaana qabanay oo waxbadan ka samaynay Puntland Dastuurkeedii oo aan ansixinay oo aan qornay oo cod loo qaaday, waxaan bilownay nidaamka Xisbiyada badan ee dowladda Puntland ku tillaabsatay inay hirgaliso laakiin dhicisoobay,” Ayuu yiri Faarax Cali Shire.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here