Home Wararka Maanta Sarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab Oo Dowlada Isu Soo Dhiibay

Sarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab Oo Dowlada Isu Soo Dhiibay

159
0
SHARE

Garbahaarey:-Dowlada Somalia ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab, kaasoo lagu magacaabo C/casiis Xasan Heybe (Bishaar), isla markaana u qaabilsanaa kooxda dhanka qaraxyada.

Sarkaalka ayaa isku dhiibay Ciidamada Dowlada Somalia ee ka Hawl-gala gobolka Gedo, isagoo wata qori AK-47 ah. Waxaana soo goosashadiisa ay timid markii uu xiriir lasoo sameeyay saraakiisha ciidamad dowladda Somalia ee ku sugan Gobolkaas.

Taliyaha ururka 49-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Faarax Maxmed [Turbac] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Sarkaalkan uu gar-waaqsaday inuu kasoo goosto Al-shabaab uuna bushadiisa dib ugu soo laabto.

Sidoo kale, Sarkaalku wuxuu xusay in sarkaalka ay ku wareejin doonaan dowladda Federaalka Somalia, isagoo ku baaqay in Al-shabaabka kale ay ku daydaan sarkaalkan isku soo dhiibay dowladda.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here