Home Wararka Maanta Sawirro:-Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Iyo Masuuliyiin Kale Oo Kormeeray Deegaanka Goobweyn

Sawirro:-Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Iyo Masuuliyiin Kale Oo Kormeeray Deegaanka Goobweyn

182
0
SHARE

KISMAAYO-Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedadad socdaalka Mas’uuliyiintanii ayaa la xiriirtaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka deegyada bulshada ah oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaan mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here