Home Wararka Maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Maant Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyey.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Maant Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyey.

206
0
SHARE

Waxaa saakay magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya, Siyaasiiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kaga hortagay kuna soo dhaweeyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ka galbiay gaadiid dagaal, kuwaa oo amaankiisa sugayay, waxaana la geeyay sida aan Wararka ku helnay guri uu magaalada Muqdisho ka degi doono.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dalka dibadiisa kunoolaa ayaa dhoor mar kusoo laab laabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii doorashadii dhacday 8-Febraayo looga adkaaday, lamana oga Shariifka uu Muqdisho saldhigan doono iyo in uu ka laaban doono.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here