Home Arimaha Bulshada Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta oo hilib u qeybisay boqollaal Qoys...

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta oo hilib u qeybisay boqollaal Qoys dan-yar ah [ Sawiro].

222
0
SHARE

 

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa deeq hilb ah u qaybisay Boqollaal qoys dan-yar ah, gaar ahaan Barakacayaasha ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Qoxootiga Yemeniinta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, ayaa qashay munaasabadda Ciidul Adxa owgeed xoolo gaaraya 1200 oo Neef oo Ari ah, waxaana ka faa’iideystay 2800 oo qoysaska danta yar, kuwaas oo isugu jira Barakacayaasha ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir, Dadka baahida gaarka ah qaba, Dadka dhimirka la’ ee ku jira Isbitaalka Laan-sareeti, Cuuryaamiinta Isbitaalka Martiini  iyo Qoxootiga Yemen ee ku nool Muqdisho.

 

Qaar ka mid ah Qoysaskii loo qeybiyay Hilibka Udxiyadda ayaa uga Mahad-celiyay Haya’dda Bisha Casa Ee Imaaraadka Carabta kaalmada ay soo gaarsiisay, iyagoo xusay in ay kusoo beegantay Xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen si ay dadka kale ula Qayb-sadaan Farxadda Ciidul-Adxa.

Guddoomiyayaasha Degmooyinkii laga qeybiyay deeqda Hilibka aya u mahadceliyay Haya’dda Bisha Casa Ee Imaaraadka Carabta iyo Safaaradda Dowlada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Oo iska kaashaday qeybinta Deeqdaan Loo Qeybiyay qoysaska danta yar.

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Hey’adaheeda samafalka ay mar walba oo la gaaro munaasabadda Ciidul Adxa waxa ay taageero iyo Kaalmo la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here