Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay Oo Ka Doodaya Xasuuqa Lagu Hayo Muslimiinta Rohinga...

Qaramada Midoobay Oo Ka Doodaya Xasuuqa Lagu Hayo Muslimiinta Rohinga Ee Dalka Myanmar

243
0
SHARE

Wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Qaraamada Midoobay Matthew John Rycroft, ayaa sheegay inuu dalkiisa hordhigay Xubnaha Golaha amaanka Codsi  kulan deg deg ah inuu ka yeesho Xasuuqa lagu hayo muslimiinta laga tirade badan yahay Rohingya ee dalka Maymar.

Wuxuuna intaa raaciyay  in Toobanaan kun dadkaasi Muslimiinta  Rohingya ayaa ka qaxay Guryahoodii  ,Sidaa darted ay lagama maarmaan tahay in Golaha maanka ee Qaraamada Midoobay  uu si dhab ah u derso waxna uga qabto xaaladda ay dadkaasi ku sugan yahay  iyo qulqulka qaxootiga Rohingya oo laga soo barakicinayo degaanadooda.

Dhanka kale  mas’ul ka tirsan Ingiriiska ayaa waqiti sii horeeysaay sheegay  in dalkiisu uu doonayo in si mideysan loo wajaho arrimaha qadiyada mudada dheer qadatay  ee dadka muslimiinta Rohingygaha maamulka Maymar uu ku hayo.

Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay Antonio guterres ayaa isna walaaac xooggan ka muujiyay  warbixinada soo gaaraya ee la xiriira gummaadka lagu hayo dadka  Rayidka ee Rohngyga  siiba degaanada ay ku nool yihiin.

Xoghayaha ayaa cadeeyay  inuu si aad ah u taageersan yahay  warbxinada  ay arrintaasi ka soo gudbiyeen guddiga uu madaxda u yahay Xoghayuhii guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan .

Dhanka kale u qeybsanaha arrimaha xuquul Insaanka ee Qaraamada Midoobay  ee Maymar Amiir Zaid Bin racad  ayaa ka codsaday maamulayaasha Maymar inay xakameeyaan Ciidamadooda xoog u adeegsanya  dadka asalkooda ka soo jeedo Rohingya.

Bayaan isna laga soo saaray barakaca dadka Rohingy-gaha ayaa  lagu sheegay inay  gaarayan 8700 qof  oo ay Ciidamada dalka maaymar  xoog uga barakiciyeen Guryahooda kuwaasoo qaarkooda u cararay dalka Bangaladesh.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here