Home Wararka Maanta Malayshiyaad Katirsan Galmudug Oo Weeraray Deegaanka Jeexdin.

Malayshiyaad Katirsan Galmudug Oo Weeraray Deegaanka Jeexdin.

217
0
SHARE

Malayshiyaad katirsan maamulka Galmudug huwanna calanka Alshabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday ciidanka dowladda Puntland ee ku sugan deegaanka Jeexdin oo qiyaastii 15-Km dhanka bariga kaga beegan magaalada Galkacyo.

Weerarkaani oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa khadhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey labada dhinac, waxaana goobta ay malayshiyaadkii weerarka soo qaaday uga tageen meydad laga helay calanka Alshabaab iyo xog kale.

Dhanka kalena, wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno isbitalka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la gaarsiiyey dhowr kamid ah ciidanka Puntland oo dhaawacyo ka soo gaareen weerar xalay Galmudug ku qaaday deegaanka Godad.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here