Home Wararka Maanta Jabhada Xoreynta Ogadeniya ONLF Oo Canbaarayn Dusha Uga Tuurtay Xukuumada Farmajo Iyo...

Jabhada Xoreynta Ogadeniya ONLF Oo Canbaarayn Dusha Uga Tuurtay Xukuumada Farmajo Iyo Kheeyre.

378
0
SHARE

Jabhada Xoreynta Ogadeniya ee ONLF ee la dagaalanta dowlada Itoobiya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku cambaareyneyso falkii dhowaan sarkaal ka tirsanaa Jabhadaas ay dowladda Somalia ugu gacan gelisay dowlada Itoobiya.

Cabdikarin Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ONLF ayaa waxaa dhowaan degaanada degaano ka tirsan Galmudug ka soo qabtay ciidamada nabad sugida Somalia, waxana lagu wareejiyey saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo u watay dalkooda.

ONLF ayaa ku eedeysay dowlada Soomaaliya u gacan gelinta dowlada Itoobiya Cabdikarin Sheekh Muuse iyadoo sheegtay in lagu tuntay xeerarka caalamiga ah iyo kan Soomaalida.

Cabdikarin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayey ONLF sheegtay inuu muddo saddex sano ah ku noolaa Muqdisho uuna dhowaan u tegey magaalada Gaalkacyo inuu soo wado wiil uu adeer u ahaa oo xanuunsanayay.

“Qorshaha lagu soo qabtay, looguna gacan geliyay dowlada Itoobiya waxaa ka dambeeyey Madaxweynaha, iyo ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay ONLF.

Dowlada Soomaaliya ayaan illaa hadda si rasmi ah uga hadlin gacan gelinta sarkaalkan ka tirsanaa Jabhada ONLF, waana markii ugu horeysay ee dowlada Madaxweyne Farmaajo lagu eedeeyo arrimo noocan ah.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here