Home Wararka Maanta Taliyaha ciidamada Milatariga Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid oo Ka Hadlay Dadkii Lagu...

Taliyaha ciidamada Milatariga Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Laayay Tuulada Bariire

371
0
SHARE

Taliyaha ciidamada Milatariga Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanku meel u dhow Bariire lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.

General Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu ahaa mid ku dhacay si kama ah,waxa uuna xusay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray inay falkan soo baaraan.

Waxa uu sheegay Taliye Cirfiid in shilkaasi uu dhacay kadib markii ciidamada huwanta ah iyo beeralay hubeysan oo ku sugnaa meel u dhow Bariire ay kala shakiyeen, kadibna ay rasaas bilaabtaya.

Taliyaha ayaa beeniyay war ka soo baxay saraakiil dowladda ka tirsan oo sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 8 ka tirsan al-Shabaab.

“Waxaan xaqiijinayaa in dadka dhintay ay yihiin rayid, haatanna maydkoodii wuxuu yaalla cisbitaal Muqdisho ku yaalla” Sidaas waxaa yiri Taliye Cirfiid.

Taliska ciidanka Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah ku sheegay inay la socdaan eedahaha sheegaya in rayid ku dhintay Bariire, isla markaana ay arrintaas baarayaan.

Taliye Cirfiid ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uuna tilmaamay inay ka xumaadeen dhimashada rayidka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here