Home Wararka Maanta Mareekanka Oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Laayay Tuulada Bariire

Mareekanka Oo Ka Hadlay Dadkii Lagu Laayay Tuulada Bariire

560
0
SHARE

Militriga dalka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay ku lug lahaayeen weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose, xili ay taageero siinayeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, kaas oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Waxaa Militriga dalka Mareykanka war ka soo baxay lagu sheegay in ay dib u fiiri dooonaan dhimashada dadka shacabka ah oo caruur ay kamid yihiin, kadib weerar si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Mareykanka.

War kooban oo ka soo baxay taliska howlgalka Mareykanka qaarada Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan waxyeelada shacabka ka soo gaartay weerarkaasi oo ilaa imika ay wadaan qiimeyn ku aadaan  sida weerarkaasi uu ku dhacay.

Gudoomiye ku xigeenka  gobalka Shabeelaha hoose ayaa xaqiijiyay dilka 10 qof oo dad beeraleey ahaa in weerarkaasi lagu dilay, iyadoo Meydadka la dilay lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here