Home Wararka Maanta Diyaarad dagaal Oo Dad Shacab Ah Ku Leysay Degaan Ka Tirsan Gobolka...

Diyaarad dagaal Oo Dad Shacab Ah Ku Leysay Degaan Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

236
0
SHARE

Dayuurad dagaal ayaa xalay duqeyn ka geysatay tuulo u dhow degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose, waxaana soo baxaya warar sheegaya in duqeyntan lagu dilay sagaal qof oo beeraley ah.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dayuurad yar ay gantaal ku dhufatay goob ay joogeen dad beeraleyda ah halkaasna uu ka dhacay khasaare xoog leh.

“Meydadka dadkii ku dhintay duqeynta waxaa la keenay Muqdisho, waxaana sidoo kale duqeynta ku dhaawacmay laba qof oo kale” ayuu yiri goob jooge ka tirsanaa dadkii halkaas ku sugnaa.

Dayuurada weerarkan geysatay oo ah kuwa loo yaqaano Droneska ayaa loo malaynayaa iney leeyihiin ciidamada Maraykanka inkastoo illaa hadda uusan arintan ka hadlin Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa.

Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwo cadaan ah ayaa todobaadkan degaanka Bariire waxay ka qabsadeeen Al-Shabaab ka dib dagaal culus oo halkaas ka dhacay.

Dhowaan ayey aheyd markii duqeyn tan la mid ah ay dayuuradaha Maraykanku ka geysteen tuulo ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here