Home Wararka Maanta Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Somaliya oo K/Afrika Uga Qeybgalaya Shir lagu marti qaaday...

Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Somaliya oo K/Afrika Uga Qeybgalaya Shir lagu marti qaaday Madaxdii hore ee Qaaradda Afrika

198
0
SHARE

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa K/Afrika kaga qeybgalaya Shir weyne ay soo qaban qaabisay Hay”dda Thabo mbeki foundation,isla markaana looga hadlaayo qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin arimaha siyaasadda,kuwa bulshada iyo dhaqaalaha.

Shirweynahaasi oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda waxaa mudada uu socdo diiradda lagu saarayaa sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda ,gaar ahaan caqabadaha hor taagan nabadda,Dowlad wanaaga, dhowrista sharciga iyo Kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta Caalamka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay qeybaha Warbaahinta ayaa waxa uu yiri” Dalkan South Africa waxaan u imid inaan ka qeybgalno Shir ay ka qeybagalayaan Madaxweynaashii hore ee Qaaradda Afrika iyo dad Waxgarad ah kaas oo looga hadlayo hogaanka Qaaradda waxaana lagu wadagayaa waaya aragnimada.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here