Home Wararka Maanta Ganacsade Caan Ah Oo Magaalada Muqdisho Lagu Dilay

Ganacsade Caan Ah Oo Magaalada Muqdisho Lagu Dilay

733
0
SHARE

Dabley Bastoolado Ku Hubeysan ayaa goor dhaw Xaafadda Sanca ee Magaalada Muqdisho ku dishay Nin la sheegay in uu ka mid ahaa ganacstada wax ku iibisa Suuq ku yaala Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Labo Wiil oo dhalinyaro ah oo watay Bastoolado ayaa toogtay Marxuumka isagoo marayay meel u dhaw Ex Hotel Baana-raama oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo Toornada Cumar Fiyaasko ee G/Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Marxuumka ladilay qaar ka mid ah Shacabka ku sugan Sanca ayaa idaacadaha gudaha u sheegay in uu ka mid ahaa Ganacsatada deegaanka halka kuwa kalane ay sheegeen in uu ahaa Nabadoon ka mid ah waxgaradka Beelaha Soomaaliyeed.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here