Maamulka Gobolada Dhexe ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ayaa ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay deegaanka mareer gur ee Gobolka Gal-duduud.
Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe Muxiyadiin Jimcaale Jakuula ayaa Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga u sheega in dagaaladii dhacay ay ka danbeeyeen Maamulada Gal-mudug iyo Puntland oo is garabsanaya.
Jakuula ayaa sheegay in Ciidamo Puntland oo ka soo baxay Gaalkacyo iyo kuwa ka soo kicitay xerada 21aad ee Gal-gaduud ay weerarka ku soo qaadeen fariismimaha Ahlu-Sunna .