Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Jaaliyada Qurbajoogta Puntland ee dalka Jarmalka (PDF Germany) ayaa la wareegtay dawo...

SAWIRRO:-Jaaliyada Qurbajoogta Puntland ee dalka Jarmalka (PDF Germany) ayaa la wareegtay dawo isugu jirta noocyada kala duwan!

244
0
SHARE

Jaaliyada Qurbajoogta Puntland ee dalka Jarmalka (PDF Germany) ayaa la wareegtay dawo isugu jirta noocyada
kala duwan, cadadkeedu gaarayo ilaa 10 Ton, waana markii labaad isla sanadkan ay Jaaliyaddu dalka Soomaaliya
u dirto shixnad daawo ah.

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntlland Eng. Maxamed C/raxmaan Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay
Ha’yada deeqdan bixisay, wuxuuna intaasi raaciyay inay dawadan gaarsiin doonaan qaybo badan oo ka mid ah
dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaanada ay baahida dawadu ka jirto.

Dawadan oo cadadkeedu gaarayo ilaa 10 Tan ayuu Gudoomiyuhu qiimaheeda ku sheegay ilaa 2.000.000 US $, “waxaa
dalkeena ka jirta dawo la’aan waxaana dad badani u dhintaan xanuuno dawayntoodu ay sahlan tahay” ayuu yiri
gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata.

PDF Germany oo kaashanaysa Hay’ada German Aid ee ay jaalka yihiin ayaa sii wadi doonta dawooyin deeq ah oo afartii sano
ee u dambeeyay ay si is dabajoog ah dalka u gaarsiinayeen.

Mohamed Farahalay
Dep. warbaahinta iyo horumarinta

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here