Home Wararka Maanta DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Farmaajo oo Qaahira kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynihii hore...

DAAWO MUUQAAL:-Madaxweyne Farmaajo oo Qaahira kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynihii hore ee TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xassan!

287
0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan.

Mudane Max’ed C//laahi Farmaajo iyo Dr C/qaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ayaa yeeshey kulan xog wareysi ah oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, halka uu marayo iyo waxyaabihii laga bartay marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray, maadaama uu Dr C/qaasim uu khibrad uu u leeyahay xaaladihii dalka uu soo maray.

Dr C/qaasim Salaad Xasan oo kamid ah Madaxweynayaashii Soomaaliya soo marey bur burkii kadib  ayaa in muddo ah waxaa uu degan yahay dalka Masar.

Madaxweynaha dalka ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qorey in uu la kulmay C/qaasim Salaad Xasan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here