Home Wararka Maanta SAWIRRO:-Jaaliyada Puntland ee Holland Oo Siweyn u xustay Munaasabada Maalintii Dhidibada Loo...

SAWIRRO:-Jaaliyada Puntland ee Holland Oo Siweyn u xustay Munaasabada Maalintii Dhidibada Loo Taagay Puntland!!

1038
0
SHARE
Iyadoo Dunida oo dhan laga xusayay markii la aas aasay Maamulka Dowlad Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland ayaa Jaaliyada Puntland ee Wadanka Holland Waxay Si qurux badan u Maamuseen Maalintii dhidibada Loo Taagay Puntland.

Xafladaan oo  ay soo  qaban qaabiyeen Maamulka Jaaliyada Puntland ee Wadanka Holland ayaa lagu qabtay magaalada Bewerwijk ee nawaxiga Magaalada Amsterdam.

Munsabada Ayaa waxa ka soo qaybgalay Qaybaha Kala Duwan ee Jaaliyada Puntland ee wadanka Holland & Beljamka .

Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland Ee Wadanka Holland Jamac Abdinur oo Furitaanka Munaasabada Ka Hadlay ayaa shacabka Puntland Kula dar daardaarmay Midnimada iyo Ilaalinta Amniga dhanka kale Qurbo joogta Puntland ku dhiirigaliyay in ay Aqoontooda Ku Celiyaan Dalkii.

Dhanka Kale Prof: Cumar Shire & Aqoonyahan Kaamil Xusein Ayaa Dadka Puntland Ee Holland ku Nool dhaliilay in aysan isku xirnayn kana qayb qaadan Hormarka Ka socda Dalkii waxayna si wada Jir ah ugu booriyeen in ay ka qayb qataan caawinta Goobaha waxbarshada Iyo Caafimaadka.

Ugu danbentiina dadkii Munaasabada Ka Hadlay ayaa aad u soo dhaweyay dadaalka Maamulka Jaaliyada Puntland ee Wadanka Holland Kuwaas oo waqtigooda u Huray isku xirka Jaaliyada Iyo Qabashada Kulmada Muhiimka u ah Jaaliyada waxayna Kula Dar daarmeen ay Laba Jibaraan Howsha muhiimka ah ee ay bulshada Puntland ee wadanka Holland u hayaan.

Halka Qaybtii Danbe ee Munaasabada Qayb ka qateen Fanaaniinta Aamino Dhool ,Mubarak Daacad iyo LIxle.

Towfiiq Shire Muuse
Umadanews.com
Amsterdam Holland


Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here