Home Wararka Maanta Ku-Simaha Madaxweynah Puntland Oo Digniin Adag U Diray Soomaaliland.

Ku-Simaha Madaxweynah Puntland Oo Digniin Adag U Diray Soomaaliland.

220
0
SHARE

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in doorashada Somaliland aysna ka dhici karin Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay labada Maamul ku muransanyihiin.

C/xakiin Cumara Cameey waxaa uu sheegay in isku dayo dhowr ah oo ay Somaliland ku dooneysay in ay doorashada kaga hirgeliso Sool iyo Sanaag ay fashilmeen,sidoo kalena xubno howshaas u qaabilsanaa Somaliland dil iyo dhaawac loogu geystay Laascaanood.

Waxaa uu intaas raaciyay in Puntland aysan daandaansi billaabeyn laakiin haddii lagu gardarroodo aysan gacmaha ka laabanayen.

Sanadkan Gudihiisa ayaa waxa lagu wadaa in ay doorashada Madaxtinimada Somaliland ka dhacdo degaannada uu  maamulkaas ka arrimiyo waxaana labada Maamul ay sheegayanaan maamulka gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dhowr jeer oo hore ku dirireen.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here