Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Barlamanka oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Barlamanka oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Baarlamaanka DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada

223
0
SHARE

Ujeedada shirkan wada tashiga ah ayaa ah sameynta isu duwida iyo iskaashiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, waxaana shirkan oo uu shir guddoominayay kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka, sidoo kale ka qeyb galay gudoomiyaaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada ,xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta Qaramada Midoobay iyo madaxda Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP oo shirkan soo qaban qaabisay.

Shirkan oo qeyb ka ah mashruuca taakulaynta Baarlamaanada ee UNDP shalay oo uu furmay waxaa looga hadlay arimaha istaraatiijiyada oo ah labada aqal ee dalka iyo sharci dejinta federaalka iyadoo maanta oo uu galay maalintii labaad ayaaa waxaa diirada lagu saaray arimo ay ka mid yihiin isku duwida sharciyada ,aas-aaska madasha afhayeenada qaranka ,sare u qaadida awooda xirfadeed iyo wadaagidda macluumaadka iyo arimo kale.

C/kariin Xaaji Cabdi ‘’Buux’’ oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka maanta uu ku saabsanaa in gudoomiyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada laga dhageysto qorshayaashooda ku saabsan horumarinta baarlamaanada dowlad goboleed kasta iyo qodobo kale oo ay ka qeyb galayaashu ka wada hadleen.

Arimaha istiraatiijiyada baarlamaanada dowlad goboleedyada ,taakuulaynta baarlamaanka soomaaliya iyo qodobo kale ayaa looga doodi doonaa shirkan oo lagu wado in isla maalinta beri ah lasoo gaba gabeeyo.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here