Home Wararka Maanta Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha Puntland oo la dhaariyay

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha Puntland oo la dhaariyay

224
0
SHARE

Garoowe.- Waxaa maanta oo ay tariikhdu tahay 19 August 2017 xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland lagu dhaariyey Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka Goleyaasha, ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) oo uu Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay 16 August 2017.

Munaasibadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoogka ahaa Madaxwene ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa dhaarta kadib kula dardaarmay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, ahna Af-hayeenka Madaxtooyada inuu si daacadnimo ku jirto uga soo baxo ugana soo dhalaalo shaqada qaran ee loo igamaday, islamarkaana uu ugu adeego si karti iyo hufnaanle dadkiisa iyo dalkiisaba.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kubooriyey Wasiirru Dawle Cabdullahi Maxamed Jaamac (QuraanJecel) inuu ka foojignaado kana fogaado wax kastaoo lid ku ah shaqada xafiiskiisa, islamarkaana uu ogaado in shaqada Xafiiska Xiriirka Goloyaasha ee Madaxtooyadu u baahan yahay shaqo tiro badan oo leh tayo iyo dulqaadbadan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here