Home News In English Marxuum Dr Maxamad Jaamac oo Gaalkacyo Lagu Aasay

Marxuum Dr Maxamad Jaamac oo Gaalkacyo Lagu Aasay

255
0
SHARE

Gaalkacyo – Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalk, kuwa Puntland, siyaasiyiin, maamulka gobolka, dhaqaatiir u dhashay dalka Talyaaniga, Isimo iyo shacab ka kala yimid deegaanada Puntland ayaa maanta ka qaybgalay Aaaska Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad oo lagu aasay Magaalada Galkacyo.

Ugu horayn Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Raxmad iyo Jano Alle uga baryay Marxuum Dr Maxamed Jaamac Salaad.

Dhinaca Siyaasiyiinta waxaa aaska ka hadlay Cali Cabdi Awaare oo ka hadlay gargaarkii uu marxuumka u fidin jiray bukaanada una tacsiyeeyay Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Xuubsireed oo ku hadlayay afka dowlalada Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan ayaa ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka, waxaana ay Alle uga baryeen in uu ka waraabiyo janadii Fardowso ahayd, ehelka uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here