Home Wararka Maanta Maamulka Soomaliland Oo Shacabkiisa Uga Digay Iney U Safraan Muqdisho

Maamulka Soomaliland Oo Shacabkiisa Uga Digay Iney U Safraan Muqdisho

237
0
SHARE

Maamulka Somaliland ayaa Shacabkooda uga digaya inay u socdaalaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Axmed Cige (Deyr) oo Saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho aysan aheyn mid amaan ah, isla markaana lagu dilo dadka ka soo jeeda degaanadooda.

Waxaa uu sheegay in laga doonayo Shacabka Soomaaliland inaysan ku degdegin inay tagaan Muqdisho.

Hadalka ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa yimid maalmo ka dib markii degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay kooxo hubeysan dil iyo dhaawac ugu geysteen qoyska Maamulaha shirkada Dahabshiil ee koonfurta Somalia.

War ay soo saartay Somaliland ayaa waxa ay ku sheegtay in ay sii kordhayaan qataraha amni daro ee ka jira Koonfurta Soomaaliya iyo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda degaanada Somaliland.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here